Maxaa kaga bidhaamay tan iyo bilowgagi baraha bulshada

 Baraha bulshada

Miyaan ku baraarnay mise waan ku baaba'nay baraha bulshada?

Kacdoonka xaga tignaloojiyadda ee dunida ka ka curtay sanooyinkii dambe, wuxu suurageliyey in adduunku noqdo tuulo yar oo iska wada warwaqabta. Mar kale warbaahinta xidhiidhka bulshadu waxay dunidii isugu geysay qol keliyo in ay noqoto. Waxa fududaaday xog heliddii, xidhiidhkii dadka iyo isugu gudubkii wacaasha, warka iyo dooca. Warbaahinta bulshadu waxay gebi ahaan isbeddel ku samaysay qaab-fikirkii iyo hab-dhaqankii bulshooyinka aduunka adeegsigeeduna wuxu ku socdaa xawaare miyir-beel ah. Maanta dad ka badan saddex bilyan (40%) ayaa isticmaals baraha bulshada( Facebook,Twitter,Tiktok iwm) celcelis ahaan dadkaasi waxay ku qaataan noloshooda laba saacadood maalin walba. Faysbuugga oo ah kan ugu ballaaran baraha bulshada waxa si joogto ah u adeegsada 1.5 bilyan, oo daqiiqaddiiba isu dira 31 bilyan oo farriimood , ama wadaaga 2.77 malyuun oo muuqaal. Markii laga arkay xawaaraha maangadka ah ee ay ku socoto warbaahinta bulshadu,xarumaha cilmi baadhistu waxay ku mashquulsan yihiin daraasaynta shaacsanahan, iyadoo la soo bandhigayo dhib iyo dheef, toganaan iyo tabanaan waxa ay nolosha  ku soo kordhinayso warbaahinta bulshadu.

Maxaa laga faa'iday baraha bulshada?

Baraha bulshadu waxyaabo badan oo halkan lagu soo koobi karin oo  wanaag iyo waxtar ah bay leedahay, dhinacyo badan oo nolosheenna ahna waa looga faa'iideysan karaa, marka si miyirqab ah loo adeegsado, waxyaabaha ay nolosha ku biirisay waxa aan ka xusi karnaa:-

■ Xidhiidh bulsheed

 Malyuumaad dad  ah oo dunida hareeraheeda ku kala suga waxa u fududaaday inay reerahooda, saaxiibadood iyo dad hawlwadaag ahba si fudud isula xidhiidhaan, farriimo iyo xog waqti badan ka qaadan lahaydna si dhib yar u helaan. Waxa is helay dad isu hiloobay, waxaana xidhiidh adag yeeshay dad aan weligood isa soo gaadheen. Soomaalida daafaha adduunyada ku kala sugan waxa ay u noqotay rugta xiriirka oo gudo iyo debed ba halkaas baa la isku arkay .

■ Fursado ganacsi

Baraha bulshada waxa looga faa’iidaystay farsamooyinka ganacsiga oo dhan, suuqgeyn,xayeysiin iyo iibin ba. Bog kasta oo aad furto waxa kaaga soo baxaya badeecad ama adeeg la xayeysiinayo, sidoo kale waxa laga dhex ugaarsadaa fursado ganacsi oo meelmar ah, marar badanna waxaaba ka dhex furan xarumo “online” waxa ku iibinaya. Maanta waa naadir ganacsi aan adeegsan warbaahinta bulshada, mar walbana xidhiidhka ka dhexeeyaa wuu sii badanataa.

■ Il wareed

Halkii wararka loo raadsan jiray warbaahinta kala duwan (raadiye, telefishan iyo wargays)waxa maanta kaga maarmi in aad furto xisaabtaada Faysbuuga ama tuwitarka, halkaas ayaad ku arkeysaa wararka carro-edeg oo dhan, warbaahintii dunida ka jirtayna laga wada helayaa, waxa bogag ku leh madaxda dunida,dadka caanka ah ama magaca keh, sharikaadka iyo hay’adaha adduunka dhammaantood,  war iyo wacaal wixii la hayana goobtaas ayaa lagu wadaagaa. 

■ Hadaf aqooneed

Warbaahinta  bulshada waxa looga dheefsan karaa aqoon korodhsi iyo kor u qaadida garashada, waxa ka furan kumannaan bog oo aqoonta lagu wadaago,lagu gorfeeyo, laamaha aqoonta idilkood si yar oo fudud ayaad uga helaysaa, waxa kale oo si dhibyar looga helayaa xog ku saabsan aqoonta, buugaagta ayaa sidoo kale daryaal ah. Doodaha iyo afkaaraha aqooneed ee dunida ka taagan oo dhanna si dhow ayaa loola socon karaa. Haddii aad ka dhigato  waa madal aqooneed.

■ Xorriyad Fikir

Dad badan warbaahinta bulshadu waxay u noqotay meel ay xorriyad cabbir ka helaan, waa naruuro iyo madal ay ku nefisaan dadyowga fikir ahaan iyo siyaasad ahaan ba loo cabudhiyey ee aan aragtiyahooda si xor ah u wadaagi karin. Waxa isugu yimi afkaaro kala duwan, dhaqanno iyo diimo kala jaad ah, waxaana laga bartaa  casharro ku saabsan kala duwanaanshaha fikir.

■ Arrimo Bani-Aadminimo

Warbaahinta bulshadu waxay  waxtar  aan la qiyaasi karin ka gaysatay gargaarka aadminimo iyo isu gurmashada xaaladaha adag. Waxaa si dhibyar looga ururin karaa qaadhaan cid lagu samatabixinayo, waxa kale oo wacaasha lagu gaadhsiin karaa dunida oo dhan si xaalad qallafsan oo gargaar u baahan dunida loogu soo bandhigo. Waxa tusaale inoogu filan sida warbaahinta bulshadu uga qayb qaadatay abaarihii baahsanaa ee geyiga Soomaalida ka dhacay.

■ Dhibaato ma inoo leedahay ?

 Sida aynu u taxnay dheef badan oo baraha  bulshadu leedahay, ayey u jiraan dhibaatooyin qofka iyo bulshadaba ka soo gaadhi kara, saamaynteeda taban oo daraasado badan laga sameeyey  waxa aynu ka soo qaadanaynaa  dhowr qodob oo muunad ah.

■ Waxyeello Caafimaad

Sida baadhitaanno badani tibaaxeen baraha bulshadu waxay leedahay waxyeello caafimaad oo isugu jirta mid jidheed iyo qaar nafsadeedba. Isha oo lagu hayo shaashada Koombuutarka ama Telefoonku waxay dhibaato soo gaadhsiisaa aragga. Dhanka kale ku walfidda adeegsiga warbaahinta bulshadu wuxu keenaa diiqad iyo werwer qofku dareemo marka uu waayo, hurdo la’aanta ayuu qayb ka yahay oo waxa suuragal ah in qof isku illaawo.

■ Ka go’doomidda dadka

Adeegsiga badan ee baraha bulshadu wuxu afweynta u riday xidhiidhkii tooska ahaa ee dadka dhex marayey, waxa la arkaa tobannaan ruux oo madal wada fadhiya, mid walibana ku foogan yahay shaashada teleefankiisa isagoo iska illaabay dadkii uu la socday. Waxa meesha ka baxay in qoysku fursad isu helaan, qof waliba qolkiisa ayuu hoosta ka soo xidhay si uu  fursad ugu helo adeegsiga baraha bulshada.

■ Hoos u dhac waxbarasho

Qayladhaan baa ka soo yeedhaysaa dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada, ardayga waxa dareenkiisu ku maqanyahay waxyaabaha la isku dhaafsanayo baraha bulshada, fursad badanna uma hayo dhagaysiga baraha iyo waxa uu sharxayo, marba wuxu u baxsanayaa telefoonkiisa, ama sameecado ayaaba dhegaha ugu jira oo uu dhagaysanayaa, waxa iyana meesha ka baxaya daalacashadii casharrada iyo akhriskii. Nidaamkeenna waxbarasho oo markiii horeba la daaladhacayay tayo xumo waxa isa sii kaba-raacinaya adeegsiga faraha ka baxay ee baraha bulshada.

■ Warar been abuur ah

Dad badan ayaa ujeeddooyin qaldan u adeegsaday baraha bulshada, waxa la soo geliyaa warar been abuur iyo turufo ah, warbixino sal iyo raad toona laheyn oo loogu talaglay  isku dir, qabyaalad iyo akhlaaq xumo. Marar badan waxa buuq iyo sawaxan  dhaliyo, xog been ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, Innagoo marka horeba ah bulsho caadifaddu ku badan tahay oo aan wax yawiinsan

■ Hoos u dhac shaqo

Haddii aad  dhex marto suuqyadeenna, aad hawl u tagto xafiisyada dawladeed iyo kuwa gaarka ah ba, waxa kuu bidhaamaya sida xad-dhaafka ah ee dadku ugu fooganyihiin baraha bulshada, shaqada ay hayaanna aanay danuga lahayn. Waxa suuragal ah in qof xarun ganacsi ka shaqeeyaa dhibsanayo dadka wax ka gadanaya, oo uu hoostaa ka hiifayo, isagoo ka xun mirqaankii uu baraha bulshada ku hayey ee ay ka kala dhantaaleen.

   Baraha bulshadu dhib iyo dheef ba way leeyihiin, haddii aan la isu miisaamin oo ayadoo wixii wanaaga loo adeegsanayo, saamayntooda taban aan la xakamaynna, dhib badan ayaa qofka iyo bulshadaba soo gaadhaysa. Aynu xadidno waqtida iyo hadafka aynu baraha bulshada u adeegsanayno, ka fogaaneyno adeegsiga taban, isna waafajinno hawlaheenna kale iyo adeegsiga baraha bulshada.


Qoraa: Bashiir Bulbul

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada soomaaliya xilligii kacaanka

Macallinku waa kaaha iyo ileyska mustaqbalkeena

Wax beerashada Soomaaliya