Wax beerashada Soomaaliya
Beeraha Soomaaliya
Beeraha Soomaaliya waa isha koowaad ee waxsoo saarka wadanka Soomaaliya taasi ooy tiro badan oo dad ahi noloshoodu ku tiirsan tahay. Sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhamaan dhirta (mudhaha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha Soomaaliya waxay gaadhsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo ganacsi geynayo.
= WAX SOO SAARKA BEERAHA SOMALIA Somalia waa dal hodan ku ah khayraad badan oo kala ceyn ah sida kalluunka, wax beerashada iyo xoolaha nool oo kamid ah wax yaabaha Somaliya ay hodan ka ku tahay oo uu ilaahay ugu deeqat Qormadeenan waxan kaga hadli khayradka dalka gaar ahaan BEERAHA
Waxan uqaybin dona cinwaano koo kooban oo kala duwan • Hordhac • Taariikhda beerashada Somalia • Nooc yada kala duwan ee somalidu wax ubeerato • Miraha iyo dalaga ay somalidu caanka ku tahay oo kabaxa Somalia • Dhulka ku haboon beerashada • Gobolada kala duwan ee Somalia iyo dalaga ay ku kala gudisan yihiin oo gobolba caan ku yahay
HORDHAC
Waxsoo saarka beeruhu waa isha koowaad ee quudisa xoolaha in ka badan kala badh dadka Soomaalida oo ah xoolo-dhaqato. Sidoo kale, beeraha waxaa ka soo baxa noocyo badan oo dallag ah kaasi oo loo isticmaalo farsamaynta cuntooyinka kala duwan ee wadanka Soomaaliya laga cuno. Warbixin ay soo saartey Hayada Cuntada Aduunka (WFP) waxaa lagu sheegay in ilaa 65% dhaqaalaha wadanka Soomaaliya ku tiirsan yahay waxsoo saarka xooga dalka, kuwaasi intooda u badan yihiin beeroley.[ Dhinaca kale, dadka Soomaalidu waxay aad ugu tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha nool, kuwaasi oo si toosan ugu xidhan waxsoo saarka beeraha wadanka.
Taariikhda beerashada Somalia
Beerashad iyo beerida beeraha Somaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo leh taariikh badan oo is dhaxlaysay mudo kabadan 3000 kun oo qarni waxaa lashegaa inkastoo aanan si sax loo hayn taarikhda ay sobilaabatay beerashada dhulk Somaliya Xiligii casrigii fogaa ee dhulka punt loo yaqanay cariga somaliyeed ayago lalahaa baayac mushtar xaga dalaga masaaridiin hore Wixii kahoreeyey waqtigii isticmaarka beerashadu waxay ahayd mid aad uxadidan labada daamood ee wabiyada juba iyo shabeele waxaa joogay gumaystihii taliyaaniga Dalagyadii uu ku beeri jiray oo uu kasoo saari jiray waxaa kamid ahaa : Mooska, Canbaha ,Canabka ,Qaraha Iyo sidoo kale suufka .
Wixii kadanbeeyey gobonimadii ilaa bur burkii dowladi dhexe ee 1960-1991 Xiligii gobonimada kadib beerahaha sifiican ayaa loogu baraarugay waxaana xiligaas jiray jihayn dadka lagu jiheeyey wax beerashada ayadoo beeruhuna ay noqdeen shaqa abuurada ugu muhiimsan ee laf dhabarta dhaqaalaha ee dalka.
Mudo kadib xornimadii intii udhaxaysay 1970 ilaa 1991 isku filnaansho wax soo saarka ah ayuu dalku gaaray iyadoona dalal AFRICA iyo YURUBA ah wax looga dhoofin jiray dalka taasoo lacag adagna ay kasoo gali jirtay dalka Somalia aydoo ay doorka wacyi galinta ee ay dawladu waday ay qayb ka ahayen fananiinti dalka oo heeso kala duwan uqaaday waxaa kamid ahaa Baahida aan reebno shicibyahaw aan beera falano.
Qiyaas lasameeyey 1985 dhulka ku haboon beerashada waxuu ahaa 8M oo higtar isla xiligaas dawlada Somaliys waxay beeratay 1M oo higtar Badka dhulka soomalia ee ku haboon beerashada waa 13% dhulka Somalia Lkn bedkaas intaas le’eg lagama faa'idaysan oo safiican looma beeran marka laga reebo 1M oo ay beeratay dowladu waana xaddi aad uyar . Waqtiga hada lajoogo 0.25% madhama xata dhulka iminka la beerto.
Noocyada kala duwan ee somalidu wax ubeerato
Soomaalidu laba nooc ama qaab ayey wax ubeertaan oo kala ah 1. GACAN WARAAB 2. ROOB FALATO.
1)beeralayda gacan warabka ah ayaa ah kuwa xilli kasta oo sanadka ah wax beeran kara oo waxa ay haystaan wabiyada shabeelle iyo jubba Labadaan wabi ayaana qayb wayn kaqaatay waxsoosaarka dalka waxaana ku tiirsan badi beeralayda. bartamaha iyo koonfurta dalka Inkastoo markii ay dhacday dawladii dhexe ee dalka ay caqabado kala duwan ay soo food saartay dalagyadii wabiyadaas oo xiliyada dirricdana biyo yareeya xiliyada guga iyo dayrtana fatahaado dhaliya oo khasaaro burbur caro qaadid ah ku keena beerahaas lkn waxaa kabadan faa'idada lagu qabo. Sido kale waxaa gacan waraabka waaydan danbe aad ugu soo badanayey somaliduna ay soo fahmasay qodida ceelal ay ugu tala galeen beeraha taaso asd usii yaranaysay beeralaydii ROOB FALATADA.
Miraha iyo dalagyada ay Soomaalidu caanka ku tahay
Miraha iyo dalaga ay somalidu caanka ku tahy ee kabaxa Somalia • Mooska • Canbaha • Babayga • Qaraha • Batiiqa • Liin dhanaanta, macaanta • Rumaanka • Canabka • Kabsarta • Baradhada • Yaan yada • Basasha • Bocorka • Masagada • Galayda • Qamadiga\sareenka • Salbuugada\digirta Iyo in kale oo aad u badan oo ay timirtu kamid tahy.
Dhulka ku haboon beerashada
Dhulka ku haboon beerashada Sida aan kor kusoo xusnay dhulka ku haboo beerashada waa 8M oo higtor waa qiimayn iyo qiyaas kooban oo ka ah dhulka somaliyed 13% balse waxaa la sheega in dhulka somaliyeed in kabada 70% ay ku haboon tahay beerashadu Gobolada dihin ee aadka loo beerto waxaa kamid ah 1. HIIRAAN 2. SHABEELAHA DHEXE 3. SHABEELAHA HOOSE 4. JUBADA DHEXE 5. JUBADA HOOSE 6. GOBOLKA GEDO 7. BAAY 8. BAKOOL .
Gobolada kala duwan ee Somalia iyo dalaga ay ku kala gudisan yihiin
Gobolada kala duwan ee Somalia iyo dalaga ay ku kala gudisan yihiin oo gobolba can kuyahy Gobolada 8da ah ee aan kor kusoo xusnay oo ah gobolada aadka loobeerto ayna kasoo go’do qudaarta cagaaran iyo miraha wadaniga ah Ayaa waxaa soo raaca 1. Gobolka bari oo ku caan miraha ay kamid tahay timirta iyo xabagta aanan la beerin ee uu gobolku hodanka ku yahy\ 2. Gobolka sanaag oo ku caan ah asna cagaarka kaymaha iyo timirta iyo sidoo kale xabagta kala duwan ee kabaxda ee ay kamid tahy sida BEEN IYO XINJIDAss.
Comments
Post a Comment