Posts

Showing posts from January, 2023

Wax beerashada Soomaaliya

 Beeraha Soomaaliya Beeraha Soomaaliya waa isha koowaad ee waxsoo saarka wadanka Soomaaliya taasi ooy tiro badan oo dad ahi noloshoodu ku tiirsan tahay. Sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhamaan dhirta (mudhaha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha Soomaaliya waxay gaadhsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo ganacsi geynayo. = WAX SOO SAARKA BEERAHA SOMALIA Somalia waa dal hodan ku ah khayraad badan oo kala ceyn ah sida kalluunka, wax beerashada iyo xoolaha nool oo kamid ah wax yaabaha Somaliya ay hodan ka ku tahay oo uu ilaahay ugu deeqat Qormadeenan waxan kaga hadli khayradka dalka gaar ahaan BEERAHA Waxan uqaybin dona cinwaano koo kooban oo kala duwan • Hordhac • Taariikhda beerashada Somalia • Nooc yada kala duwan ee somalidu wax ubeerato • Miraha iyo dalaga ay somalidu caanka ku tahay oo kaba...

Macallinku waa kaaha iyo ileyska mustaqbalkeena

  10ka Tayo ee lagu xusho Macalinka Wanaagsan . Qaar ka mid ah tayada macalinka wanaagsan waxaa ka mid ah xirfadaha isgaarsiinta, dhegeysiga, wada shaqeynta, la qabsiga, dareenka iyo dulqaadka. Sifooyinka kale ee waxbarida waxtarka leh waxaa ka mid ah joogitaanka fasalka ka qaybgalka, qiimaha waxbarashada adduunka dhabta ah, beddelka hababka ugu wanaagsan iyo jacaylka nolosha oo dhan ee waxbarashada. Haddaba, Maxaa ka dhigaya baraha Macallin Wanaagsan? Kulliyadda waxbarashada ee Jaamacadda Koonfurta New Hampshire (SNHU) iyo ardayda jaamacadda ayaa wadaagay fikradahooda ku aaddan tayada ka dhigaysa macallimiinta kuwo wax ku-ool ah. 1. Macallimiinta Wanaagsan Waa Xiriiriyaal Adag . Dr. Daniel Tanguay oo wata qoraalka Dr. Daniel Tanguay Marka ay timaado waxbarid wax ku ool ah, xirfadaha wada xidhiidhka adag waa qasab, ayuu yidhi Dr. Daniel Tanguay, madaxa sare ee macalimiinta iyo barnaamijyada waxbarashada. Tanguay wuxuu bilaabay inuu noqdo macalinka xisaabta ee dugsiga sa...

Maxaa kaga bidhaamay tan iyo bilowgagi baraha bulshada

 Baraha bulshada :  Miyaan ku baraarnay mise waan ku baaba'nay baraha bulshada? Kacdoonka xaga tignaloojiyadda ee dunida ka ka curtay sanooyinkii dambe, wuxu suurageliyey in adduunku noqdo tuulo yar oo iska wada warwaqabta. Mar kale warbaahinta xidhiidhka bulshadu waxay dunidii isugu geysay qol keliyo in ay noqoto. Waxa fududaaday xog heliddii, xidhiidhkii dadka iyo isugu gudubkii wacaasha, warka iyo dooca. Warbaahinta bulshadu waxay gebi ahaan isbeddel ku samaysay qaab-fikirkii iyo hab-dhaqankii bulshooyinka aduunka adeegsigeeduna wuxu ku socdaa xawaare miyir-beel ah. Maanta dad ka badan saddex bilyan (40%) ayaa isticmaals baraha bulshada( Facebook,Twitter,Tiktok iwm) celcelis ahaan dadkaasi waxay ku qaataan noloshooda laba saacadood maalin walba. Faysbuugga oo ah kan ugu ballaaran baraha bulshada waxa si joogto ah u adeegsada 1.5 bilyan, oo daqiiqaddiiba isu dira 31 bilyan oo farriimood , ama wadaaga 2.77 malyuun oo muuqaal. Markii laga arkay xawaaraha maangadka ah ee ay ...

Waxbarashada soomaaliya xilligii kacaanka

  Qoraa sare: Bashiir Cumar (Bulbul) Waxabarashada soomaaliya ee barisamaadkii. Waayihii wacnaa iyo waxbarashada soomaaliya. Waxaa jiray waaxyo kala duwana oo  hoos tagayay dowlad mideysan taas oo mayalka u hayey hogaamiye miyirqab ah  jaalle maxamed siyaad barre. Madaxweyne siyaad ayaa dowladiisu markii ugu horeesay hirgalisay qoraalka farta soomaaliga iyado sal looga dhigayo habraac ama tub dadweynaha soomaaliyeed loogu jiheynayay dhinaca aqoonta. Dadka ayaa lagu tirtirsiinayay in ay goobaha waxbarashada tiigsadaan,dowladuna waxay keentay mashruuc ay ugu macdartay horumarinta reer miiga ladagaalanka jahliga kaas ay ka hirgalisay ama ka bilowday miiga fog ee dalka oo dhan. War iyo wacaalkiisu wuxu ahaa wax barta baraara helaysaane.  Sabool iyo tanaad ayaa  waqti wada qebsanjiray waxaana ka wada dhaxeeyay hal galaas, hal barre, hal maamule iyo hal iskool, ardaydu waxay ka sinaayeen hannaanka waxbaridda macallimiinta, manajirin arday si gaar ah mudnaan u lahaa,ha...