Waxbarashada soomaaliya xilligii kacaanka

 

Qoraa sare: Bashiir Cumar (Bulbul)

Waxabarashada soomaaliya ee barisamaadkii.

Waayihii wacnaa iyo waxbarashada soomaaliya.

Waxaa jiray waaxyo kala duwana oo  hoos tagayay dowlad mideysan taas oo mayalka u hayey hogaamiye miyirqab ah  jaalle maxamed siyaad barre. Madaxweyne siyaad ayaa dowladiisu markii ugu horeesay hirgalisay qoraalka farta soomaaliga iyado sal looga dhigayo habraac ama tub dadweynaha soomaaliyeed loogu jiheynayay dhinaca aqoonta. Dadka ayaa lagu tirtirsiinayay in ay goobaha waxbarashada tiigsadaan,dowladuna waxay keentay mashruuc ay ugu macdartay horumarinta reer miiga ladagaalanka jahliga kaas ay ka hirgalisay ama ka bilowday miiga fog ee dalka oo dhan.

War iyo wacaalkiisu wuxu ahaa wax barta baraara helaysaane.  Sabool iyo tanaad ayaa  waqti wada qebsanjiray waxaana ka wada dhaxeeyay hal galaas, hal barre, hal maamule iyo hal iskool, ardaydu waxay ka sinaayeen hannaanka waxbaridda macallimiinta, manajirin arday si gaar ah mudnaan u lahaa,halka maanta ardayda lacagta bixisa wax loo baro si ka duwan ardayda lacagta aan bixin.

Maamul iyo macallimiin mideysan oo hoostagayay wasaaradda waxbarashada ayaa iska kaashanayay sidii loo heli lahaa arday tayo aqooneed iyo mid anshax leh.

Dugsiyo waaweyn oo leh masjid, maqaaxi, garoon ay ardadu ku ciyaaraan ama ay ku soo bandhigaan hibadooda kala duwana ayay dowladu ka hirgalisay deegaanno kala duwan oo wadanka gudihiisa ah.

Waxbarasho bilaash ayay aheyd oo ardayda xilligaa waxay nasiib u yeesheen in ay goobaha waxbarashada wada xaadiraan marka laga reebo in yaroo markaa aan diyaar u aheyn waxbarasho.

Taasi waxay horseeday in  bulsho bilicsan oo  aqoon ka bidhaameyso wada camiraan magaalooyinka waawey ee dalka soomaaliyeed.

Ruuxi qalin jabiyana oo waayihiisa waxbarasho qaata waayimeyn shaqo uu ka helayo nolol maameedka reerkiisa.

Ugu dambeyn wuxu noqon aqoon yahan wacan oo  waxtara wadankiisa, dadkiisa iyo diintiisa.

Hamimigiisa  sare ayaa ku hogaamiya in uu mansab ama jago ka qabto dalka. Alle muxu waayo wacan ahaa 1965--------1988

Dhammaad

Lasoco qeybta 2aad: dhaliisha dowladii kacaanka dhanka waxbarashada 

Comments

Popular posts from this blog

Macallinku waa kaaha iyo ileyska mustaqbalkeena

Wax beerashada Soomaaliya